Danbas Baad Qurux Mooday Poem by sallam yassin

Danbas Baad Qurux Mooday



Adigoo man daroorah
Sida waaga dilaacay
Dahabay midabkaagu
kii aduunkaba deeqay
miyaad doorinaysa
miyaad daadinaysa
dani maah ka maaran
wixii kuugu daraa
een ku doors lehayn
maxa kaaga dala'ah
maxaa kaaga daliilah
mise waa daysho
iyo dookho wa jamasho

Noloshii maku duushay
Qoroxdaadi ma diirtay
Sun miyaad isku duugtay
Dab miyaad qabadsiisay
Dahabkii midabkaaga
Doqonay magacaabe
Danbas baad qurux mooday

Midabkay damaciisa
Dadka qaar milic leeday
Miyaad doorinaysa
Iska diirtay maqaarkii
Maxaa kaaga diyaar ah
Ee ka door mudan manta
Midkan daayn ku siiyay
Doqonay magacaabe
Danbas baad qurux mooday

Dusha waa gibil meersan
Dugsi weeye mariin ah
Waa difaaca u moosah
Wixii maaga dushaada
Misna waa dun xariirah
Waa maraayad la deexdo
Kalgacay mar u daaro
Dabac weeye mulaax ah
Waa amaano dushaadee
Diibka maad marisid
Wayso maadku daryeeshid
Danbina maad iska dhaaftid
Danbas kaad qurux mooday

Monday, September 15, 2014
Topic(s) of this poem: health
COMMENTS OF THE POEM
READ THIS POEM IN OTHER LANGUAGES
sallam yassin

sallam yassin

Hargeisa, Somaliland
Close
Error Success