Gabno Poem by Mukhtar Mohammoud

Gabno

Baryaba iska gooni socod,
Hadaan kali gaar ubiday,
Kashaan waayuhu godline,
Hadaan gaabsaday murtida,
Shinkeedaan gaadhinoo,
Gar baa iska aamus tidhi,
,
Hadaanse mar guuxi jiray,
Godkaan dagay baa mutee,
Gaday dadku ii arkeen,
Gujiyo hadba duur xulkeed,
Gulaanimo laygu sheeg,
,
Hadana gocashiyo xog doon,
Warbaa ugu gaajo xume,
Lay yidhi hadal geesi yoow,
Bal arag gol daloola baas,
,
Lay yidhi wakhtiyadan guracan,
Aduun baa ka guurtiyee,
Wadcigan gabaygiisi tiri,
Miyay kaa guurtay talo? ,
,
Lay yidhi waad heli guno'e,
Afkaagaa wax goynayee,
Ka saar galka seefta oo,
Siyaasi uguul wadee,
,
Hayeeshee garashadii,
Ninaba anigoon ku gudin,
Haduu gob'o soo yidhuu,
Laabtayda ka soo go'ee,
Guubaabado waxaan ku idhi ''
,
Gobnimo waa loo dhashaa.
Gunnimo waa lagu dhashaa.
Garaadkuna waa wax hage.
Gartuna waa laba mid uun.
Sadkana guulaa baxshee,
Gucliyo orod laguma helo.
Gaboobkuna waa is dhawr.
.
Gaajaa dharag lagu sugaa.
Galshaa biyo lagu shubtaa.
Gafbaa dadka laga jiraa.
Geel baa sibir godan la sheeg.
Gacmana waa wada jirkee.
.
Gafuur cadho yuu dhibaa?
Geedigu xilimuu rarmaa?
Xumaantu ayay gubtaa?
Ayaa hiil kuu gurmada?
Xilkaaga hadmaad gabtaa?
Ayaad gadh wadeen ka dhigan?
.
Aansoo gundo dhaadhacee
Murtida waa geed curtooo
garaad walba deeqaysee
.
Iyana waxan kaga gudbaa
sawkii GAARIYE lahaa "
Ilaah ku janee godkee
(gunbaa haan laga tolaa) .
.
Bal aan gees kale naxwhaha
Intaad gaydo kuu lisoon
Midhahan gondahaaga wadhan
Adoo guran kara han yari
Hadana aan guudka sare
Hoobaan kaaga soo gilgilo
.
Gabnooy waxa lagu sugaba,
Waxaad goojada ruxdaba,
Guyaalo ninkii ku jiray,
Gaydhaha wuxu kuu lulaba,
Wuxuu ninki kuu guntaday,
Guudkaaga ka dhaashadaba,
Goortaad curataa labaran,
Inaad gorof buuxisiyo,
Inaad laga goo tahee,
.
Toojooy adna waxa ku gabay,
Nin kaa gam'ay oo ladee,
Hadii lagu bido gargaar
Gaawaad noo buuxin lahayd,
Gaajaad bi'in lahayd qarsoon,
.
Waxaase gadaal udhigay,
Garaadka diciifay iyo,
Hankii wahsadoo gudhee,
Hadaad gadashada hugiyo,
Is gii giijida maryaha,
Isleedahay waa gobnimo,
Oo aad gaadhigad wadaa
Cakuye guushaada yahay,
Gumaysigu waa qalbiga,
.
Bal an gees kale naxwaha,
Intaad gaydo kuu lisoon,
Midhaha gondahaaga wadhan,
Adoo guran kara han yari,
Hadana aan guudka sare,
Hoobaanta ka soo gilgilo, - - - -
.
Galool' galku' ool la yidhi,
Gashaa' hanti' lay gu sheeg,
Gal' iyo iilyada' cadhoo,
Gan' iyo taal' waa falaadh,
Gu' iyo haad baa macno leh,
Gud' iyo cirku' waa madoow,
Gab' ooyana' ma aha cay,
Goo' sana waa qaar ilkaha,
Gob ‘ iyo aad' ila macnee? ?
Gun' iyo aad' waad taqaan,
Gar ‘iyo soorana' bal sheeg? ?
Gob' ood' kuna waa dugsiga,
Guul' eed waa magac jiree,
Gu' iyo faacana' qoroo,
Guntaan ereyada ku idhi ''
.
By‘' Mukhtar Mohammoud
''''' M u r ' j i n ''''l'

POET'S NOTES ABOUT THE POEM
Waa aanso la magac baxday Gabno oo guubaabo iyo wax sheeg ah
COMMENTS OF THE POEM
READ THIS POEM IN OTHER LANGUAGES
Mukhtar Mohammoud

Mukhtar Mohammoud

Hargaisa somaliland
Close
Error Success