Markuu buuraha calculus
Cirkiyo dhalka taagaybuu
Adoomaha oo cakiran
Ku yidhi caadilkii alkumay
Amaanada ta ugu culus
Miyay cidi qaadaysaa
Dhamaana calaacbay
Cudkoodii ku muujiyiin
inaan cidi qaadi Karin
inaanay cudud lehayn-bay
cudurdaar moojiyeen
cibeerado way adkayd
se tudhaabay ciirsadeen
waatuu caadilkii aqbalay
midkii ciida laga alkumay
sagoon aan ciirsi dayan
iyuu carabkiisu sugay
(Allaw waan ku caabudiyo
Aniga ii caleema saar)
Allaw cududaada iyo
Allaw cilmigaaga wayn
Allaw yaan u ciirsanee
Allaw aan ku caabudna
(Amiin)
Allaw aan ciilbaxnaa
(Amiin)
Allaw cadawgeen jabaa
(Amiin)
This poem has not been translated into any other language yet.
I would like to translate this poem