Laba (Somali) Poem by sallam yassin

Laba (Somali)

labay tahay innaad garatidoo
kala gorfaysaa

hadoo gabay ahaan laa godgodde
xekmadduna sidii geela dhalay
oo gaawe loo sido

Gobanimadu haday geedsan tahay
gunimaduna sidii geedxunkiyo
gocondho hoos taala'e

garashada aqoontuna haday guulo dhalinayso
caqli gudhani saw gaabisiyo
geeri ma horseedo

gaashanka cadaw geen ragbaa gaadhka sare jooga
doqon baa se gudeheeda
ceeb la gawraara

hadoo geesigeed talinlahaa way is garanlayd
marku fule ulsheed gooyay baa
geedigeed bay

COMMENTS OF THE POEM
READ THIS POEM IN OTHER LANGUAGES
sallam yassin

sallam yassin

Hargeisa, Somaliland
Close
Error Success