allahayoo miciinkeena
ilay waa macboodkeene
halku yaalo malabkeeno
ugu mudanyay dhaqankeeno
u macaan aqoonteena
sooyaal mataanaysan
ku madeedanyahay nuurna
si aanad marinka u habaabin
shinbir malab ha kuu sheegtee
ku adkayso maankaaga
Iimaanku waa mudan
qofna aanu ka maarmaynin
nabaduna minkaa weeye
ixtiraamku magan weeye
kalgacaylku maqal weeye
sooyaalku waa meere
adigaa mataanke ah
kaa maarmikari maayo
misana kele ma maaraysid
ee sirata maqan magooraanku
halkay maanta kuu taalo
shinbir malab ha kuu sheegtee
ku adkayso maankaaga
midan kele halkaa taalA ah
midan kale haloo geeyo
mAle talo hadaad mooday
male kale haloo geeyo
maqal hadal ha loo geeyo
maskax gacan ha loo geeyo
madadaalla curinteeda
muxibadda haloo geeyo
haddaan maanka taladeena
qalbiyadu u soo maaxan
soo aqalku madaw maaha
mugdi iyo habeen maaha
indhuhuna yagoo mooqda
soo aragti maqan ma aha
MIIS SAME KU MIISSAAMAN
milqiyaaska wehelkeeda
garashada MUdanaanteedo
halkay maanta kuu taalo
shinbir malab ha kuu sheegtee
MALKADAA LAWAD YAALO
KA ILAASHA MAYDHAANKA
XAQO WAA MA GUURAANI
KU ADKAYSTA MAANKIINA.
This poem has not been translated into any other language yet.
I would like to translate this poem