Manso Poem by Mukhtar Mohammoud

Manso

¤ Higaadiyo erayga maanso
¤ Murtida iyo kala hufkeeda
¤ Huq iyo hawsha igagaadha
¤ Waxay kula tahay hadh-raaxo
-
¤ Hadaan lagu barin hogeeda
¤ Ilmada iga hoortay qiiro
¤ Hiin-raaga dhulkay ku tiixday
¤ Hoobaan ka baxdoo bislaatay
¤ Hanyari maad daadiseene
¤ Halhays bay noqon lahayd dhe,
-
¤ Hoheey way kaa dhinayde
¤ Hantiba anigoon ku doonin
¤ Hamiga xoolaha aduunyo
¤ Hiilkaaga maxaan utoosay
-
¤ Maxaan hadimada ka joogso
¤ Hawraar gabay kuugu sheegay
¤ Hawaawi dareen dhaqaaqa
¤ Dadkoo hurdo seexday jiifka
¤ Intaan hadrayoon istaagay
-
¤ Maxaan kaligay hinaasay
¤ Anoo hagrashada ku eeday
¤ Runtiyo hadalkayga toosan
¤ Hir beena maxaad ku aastay
-
¤ Humaag iibaxay dartaana
¤ Maxaan iska hibasho ooyay
¤ Intaan kalinimo hagoogtay
¤ Dadkana hugunkooda diiday
¤ Hankayga maxaan colaadshay
¤ Anoo is hafraaya ciilka
¤ Hugayga intaan la dooday
¤ Hubsiimana garasho mooday
¤ Maxaan hadimada ku faanay
¤ Maxaan wakhti hiilka doonay
¤ Maxaan waayaha huruufay
-
¤ Maxaan sida hooyo qaali
¤ Intaad hanadkuu yeedhay
¤ Fadhiga hees kuugu qaaday
-

Manso
POET'S NOTES ABOUT THE POEM
How to make somali poem
COMMENTS OF THE POEM
READ THIS POEM IN OTHER LANGUAGES
Mukhtar Mohammoud

Mukhtar Mohammoud

Hargaisa somaliland
Close
Error Success