Mukhtar Mohammoud

Mukhtar Mohammoud Biography

WAA HAL ABUUR SOOMAALIYEED OO KU DHASHAY HARGAYSA SOOMAALILAND)

The Best Poem Of Mukhtar Mohammoud

Manso

¤ Higaadiyo erayga maanso
¤ Murtida iyo kala hufkeeda
¤ Huq iyo hawsha igagaadha
¤ Waxay kula tahay hadh-raaxo
-
¤ Hadaan lagu barin hogeeda
¤ Ilmada iga hoortay qiiro
¤ Hiin-raaga dhulkay ku tiixday
¤ Hoobaan ka baxdoo bislaatay
¤ Hanyari maad daadiseene
¤ Halhays bay noqon lahayd dhe,
-
¤ Hoheey way kaa dhinayde
¤ Hantiba anigoon ku doonin
¤ Hamiga xoolaha aduunyo
¤ Hiilkaaga maxaan utoosay
-
¤ Maxaan hadimada ka joogso
¤ Hawraar gabay kuugu sheegay
¤ Hawaawi dareen dhaqaaqa
¤ Dadkoo hurdo seexday jiifka
¤ Intaan hadrayoon istaagay
-
¤ Maxaan kaligay hinaasay
¤ Anoo hagrashada ku eeday
¤ Runtiyo hadalkayga toosan
¤ Hir beena maxaad ku aastay
-
¤ Humaag iibaxay dartaana
¤ Maxaan iska hibasho ooyay
¤ Intaan kalinimo hagoogtay
¤ Dadkana hugunkooda diiday
¤ Hankayga maxaan colaadshay
¤ Anoo is hafraaya ciilka
¤ Hugayga intaan la dooday
¤ Hubsiimana garasho mooday
¤ Maxaan hadimada ku faanay
¤ Maxaan wakhti hiilka doonay
¤ Maxaan waayaha huruufay
-
¤ Maxaan sida hooyo qaali
¤ Intaad hanadkuu yeedhay
¤ Fadhiga hees kuugu qaaday
-

Mukhtar Mohammoud Comments

Idiris Abdi 30 December 2015

Finally sxb, you showing us here that you deseve to be an international poet. Ugu yaraan waa kayd wanaagsan oo loogu soo hagaagi karo sugaantaada.

0 0 Reply

Mukhtar Mohammoud Popularity

Mukhtar Mohammoud Popularity

Close
Error Success